Axmed Madoobe & Deni Oo La Kulmay Xalay Beesha Caalamka

Madaxweynaha Maamul Gobolleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam  oo uu wehelinayo Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Dani, ayaa xalay waxay kulan la qaateen Wakiilada Beesha Caalamka u qaabilsan Soomaaliya.

Kulankaasi ayaa looga hadlay qaabka ugu haboon ee uu ku qabsoomi karo shir weynaha arimaha Doorashada iyo sidii xal looga gaari lahaa kala aragti duwanaanshaha ka jira qaabka uu shirku ku qabsoomayo.

Labada Madaxweyne ayaa Beesha Caalamka la wadaagay aragtidooda la xiriirta qabsoomida shirka.

Ka hor kulanka Madoobe iyo Deni la sheegeen Saaxiibada Caalamka Ee Soomaaliya waxa jiray Shir dhexmaray Xubnaha C6+ loo yaqaano iyo Ra’iisal wasaare Rooble.

Warar ay heshay Nation Media ayaa sheegaya in Maanta la filayo in kulan dhexmaro Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland oo dhinac ah & Ra’iisal Wasaaraha Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Dedaalo badan ayaa jira oo beesha Caalamka ay ku bixineyo xal ka gaarista Khilaafka hareeyey jidka rasmiga ah ee loo marayo Doorasho ka dhacda Soomaaliya.

You might also like More from author