Saadaq Joon Lagu Wareejiyey Amaanka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Xog hoose ayaa sheegaya in Amaanka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho lagu wareejiyey Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Joon.

Madaarka Caalamiga ah Ee Aadan Cadde ilaa & Xerada Afisyooni ayaa lagu wareejiyey  Taliye Saadaq Joon oo wata ciidamo gaar ah.

Warar ayaa sheegaya in Qorshe ay Villa Soomaaliya dooneyso inay Culeys Amni saarto Murashaxiinta Mucaaradka ah iyo Xubnaha ku jira Golaha Bad baadada Qaran Ee Khamiistii lagu dhawaaqay.

Saadaq Joon oo lagu xasuusto Weerarkii lagu qaaday Guriga C/raxmaan C/shakuur December 2017-kii iyo Hoyga Senetor C/qeyb diid ayaa dhowr jeer fuliyey weeraro Qorsheysnaa.

Garoonka Diyaaradaha Muqdisho waxaa hadda deggan Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo diidan siyaasad ahaan Falsafada Madaxweyne Farmaajo.

Dadka Siyaasada iyo mida Amni Falan qeeya waxay ka digayaan in isku dhacyo ka dhashaan Arinta ah in Howlihii Amaanka lagu wareejiyey Saadaq Joon oo fuliya Weeraro ay dooneyso keliya Villa Soomaaliya.

Hore Garoonka Diyaaradaha Muqdisho Saldhiga Booliska ku dhex yaalla waxaa taliye ka ahaa bdifitah Bashir Ali Mire kaas oo lagu dhaliilay jilicsanaantiisa iyo amarada lasiiyo uusan ku fulin Karin Murashaxiinta Mucaaradka.

Maalmahaan dambe waxa socday Awaamiir La dul dhigayey Murashaxiinta oo markii ay doonayaan Garoonka Diyaaradaha Muqdisho laga reebayey Ilaalada Hubeysan ee la socota,lamana oga waxa xigi doono hadii Saadaq Joon lagu wareejiyey.

You might also like More from author