Askar dhimasho iyo dhaawac ku noqotay qarax Miino

Saddex ruux oo ka tirsan milatariga Maraykanka iyo qof kale oo la shaqaynayay ayaa lagu dilay miino la dhigay hareerta waddo ku taalla dalka Afghanistan.

Inta la xaqiijiyey ilaa Saddex askari oo Mareykan ah iyo qof la socday oo Shacba ah ayaa geeriyooday, kadib markii ay la qaraxday Miino nooca dhulka lagu aaso ah oo la dhigay wadada dhinaceeda dalka Afghanistan.

Qaraxaasi miino ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay saddex askari oo kale,waxaana qaraxa uu ka dhacay meel u dhow Garoonka Diyaaradah Bagram oo 50 mitir u jira Magalada Labul ee Caasimadda dalka Afghanistan.

Mar sii horraysayna saddex ruux ayaa lagu dilay labo qarax oo mataano ahaa kuwaas oo lagu qaaday magaalada bariga ku taalla ee Jalalabad.

Toddobo askari oo ka tirsan ciidammada Maraykanka ayaa lagu dilay Afghanistan sannadkan 2019ka. Bishii Maarsana labo askari ayaa la dilay.

Ciidamada Mareykanka iyo xulafada uu hoggaamiyo eek u sugan dalka Afghanistan ayaa waxaa weeraro iyo qaraxyo ay kala kulmaan Kooxda Taalibaan iyo kooxo kale oo ka dagaalama dalkaas, kuwaas oo kasoo horjeeda joogitaanka Ciidamada Mareykanka ee dalka Afghanistan.

You might also like More from author