Aqriso:Magacyada laba wasiir oo lafilayo in xilka qaadis lagu sameeyo.

Wasiirka warfaafinta daahir maxamuud geelle iyo Taliyaha hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadaha Col. Maaxamed Aadan Koofi, ayaa la filaya in dhowaan xilka laga qaado.

Wasiirka xilka qaadistiisa waxaa lagu sababeeyey in uu la jaan qaadi waayey Xukuumadda, oo uu diiday in warbaahinta uu u sheego wararka ka bad-badiska ah ee Mucaaradka lagu la dagaalamayo iyo kuwa Bulshada lagu marin habaabiyo, sida maalin kasta hub ayaan qabanay iyo wixii lamida.

Koofi isagana kaliya xilka qaadistiisa sababteeda waxaa lagu sheegay, dowladdii naga horaysay ayuu la shaqeeyey, ee na dhaafiya.

Xubno xaafiiska ra’iisul wasaaraha katirsan ayaa sidan xaqijiyey.

You might also like More from author