Aqriso oo dhameyso:Maamul Xumida Ka Jirta Hirshabelle!

woodaha Maamulka: Hirshabelle waa maamul dhisan 2.5 sano, qeybo badan waxaa heysto Al-shabaab, inta gacantooda ku jirta iskuma xirna maamul ahaan, dadka shaqo socoto ma arkaan, adeegna ma helaan!

(1). Madaxweynaha: Maamulka Hirshabelle waxaa uu leeyahay madaxweynihii 2-aad, midka dambe oo la doortay September 2017, ku dhowaad 2 sano wax waa qaban la’yahay, hadda ayuu Hiiraan ku soo rogay canshuur uu qaadayo maamulkiisa, Waare waa nin gorgortan badan, markii ay xildhibaannada u soo-jeediyeen isla xisaabtan ilaa 51 xildhibaan ayuu wasiirro ka dhigay, lacagna u balan qaaday, lacagtii soo dhacdo ma dhaafto isaga iyo inta u dhow!

(2). Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle, Cali Guudlaawe, waa ninka sida dhabta ah u maamula Hirshabelle, waxaa intaas dheer waxaa ka cabsado hey’adaha fulinta, sharci-dejinta iyo amniga, in lala xisaabtamo iska daaye, lama xamman karo, waa madaxweyne aaney dooran reer Hirshabelle!

(3). Intii Ku Shaqeeyaa Maamulka: Hirshabelle waxaa ay magac ahaan uga jirtaa Jowhar, xataa Jowhar-ta waxaa xafiisyo leh uun wasaaradaha maaliyadda, amniga, gudaha iyo beeraha, inta kale waa boorso ku jir, kuwaas xafiisyada leh waxaa loo yaqaan wasaaraddii beel hebel! Wasaaradaha ma laha miisaaniyad, ma jiro mashaariic ay fuliyaan, inta badan wasiirrada iyo xildhibaannada waxaa ay joogaan Xamar!

(4). Shabaleda dhexe: Waxaa guddoomiye u ah Axmed Meyre Makaraan oo horay ku-xigeen ugu ahaa Cali Guudlaawe, sidii loo magacaabay lama bedelin, waayo isfaham amni, dhaqaale iyo qaar kale ayaa kala dhaxeeyo Guud-laawe!

(5). Hiiraan: Waa halka ay maamul ahaan fowdo ka jirto, 2-badii sano ee la soo dhaafay in ka badan 7 ayaa la badalay, waxaa intaas dheer degmooyinka Baladweyn, Buulo-barde iyo Jalalaqsi. Maamulkaas halkaasi kuma xirna midka Jowhar, amni, dhaqaale iyo arrimo kasta sidooda ay xal uga garaan!

(6). Matabaan oo ah degmo ka tirsan Hiiraan, waxaa ay heysato Galmudug, kuwa suufida ah, arrintaas oo aaney weli xal u helin maamul ahaan Hirshabelle!

(7). Adeeyda bulsho: Adeegga keliya ay dadka arkaan waa NGO-yo, laakin ma jiro hal mashruuc oo ay Hirshabelle ka fulisay deegannada muddadii ay jirtay!

(8). Dhismo Deegaan: ilaa hadda lama dhisin gole deegaan, mana jirto qorshe arrinkaas la xiriira, taasi oo sii joogteyn doonta adeeg la’aanta bulshada!

(9). Ugu dambeyntii, Wasiirro, xildhibaanno , dadweyne iyo odeyeaal beelo oo ila hadlay waxaa ay ii sheegeen in ay jirto qanaacad la’aan xagga maamulka ah! Hirshabelle waa maamul liito, magac u yaal ah, dadkiisana aan si fiican u matalin, codna aan ku laheyn dowladda federaalka ah, waxaa la joogaa in bulshada Hirshabelle ka tashato sidii loo badali lahaa, loona keeni lahaa mid ka tarjumi kara isu keenista iyo horusocodka dadka iyo deegaanka Hirshabelle!

Cabdi Caziz Gurbiye, Aniga Weli Ma Hadlin!!

You might also like More from author