Aqalka sare oo Go’aan ka soo saaraya Arinta Qalbi dhagax

Guddoomiyha Golaha Aqalka sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa ku dhawaaqay in Kalfadhiga Golaha aqalka sare ee dalka uu berri oo isniin ah ka furmayo Magaalada Muqdisho.

Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa sheegay in kulanka berri  furmaya uu ajendaha ugu horreeya noqonayo go’aanka Xukuumadda Soomaaliya ka qaadatay dhiisibta C/Kariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax.

Golaha shacabka ayaa kalfadhigoodii waxaa uu ilaa hadda u furmi la’yahay kooram la’aan waxaana uu baaqday labo jeer oo hore iyada oo kulankii ugu dambeeyay ee shalay Guddoomiye Jawaari sheegay in XIldhibaannada iyaga oo jooga aan saxiixin xaadirka Buugga ay la xisaabtami doonaan.

Go’aanka Golaha aqalka sare ee berrito ayaa la filayaa in midkood uun uu taageero waxaana in uu khilaafo go’aanka Xukuumadda ka soo baxay ee lagu dhiibay Qalbi-dhagax iyo in uu ka soo horjeesto.

You might also like More from author