AMISOM oo baaritaan guud ka sameynaysa Garoon Aadan Cadde

Ciidamada AMISOM ayaa lagu wadaa in ay maanta baaritaab guud ku sameeyaan dhammaan qeybaha Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho oo 23-kii bishii hore weerar ku qaadeen rag ka tirsan Al-shabaab.

Nuqul kamid ah Warqad ay AMISOM u dirtay Howl wadeenada Garoonka oo ay heshay KNN ayaa lagu xusay in maanta ay sameyn doonaan baaritaan, isla markaasna kaliya Garoonka loo oggolaan doono dadka sita Ticket-ka.

Baaritaankan ayaana ku soo aadaya xilli laba dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen meel u dhow garoonka Aadan Cadde, dhacdadaasi oo ay ku dhinteen dad ku dhow toban ruux oo isugu jira Askar iyo Saraakiil.

You might also like More from author