AMISOM iyo ururrada Bulshada Rayidka oo ka wadahadlay wada shaqeyntooda

Saraakiil ka socotay howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM iyo Wakiillo ka socday Ururrada Bulshada Rayidka ayaa Magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan ay kaga hadlayeen sida ay u wada shaqeyn karaan.

Saraakiisha AMISOM ayaa kulanka ka sheegay in la shaqeynta Bulshada Rayidka ah ee Soomaaliya ay qeyb ka tahay qorshe howleedkooda dhawaan la cusbooneysiiyay.

Kareem Adebayo, oo ah Madaxaha qeybta Bani’adamnimada ee AMISOM ayaa waxaa uu sheegay in Ururrada Bulshada rayidka ay yihiin indhaha iyo dhegaha Shacabka Soomaaliyeed sidaas darteedna muhiim u yihiin la shaqeynta AMISOM.

Dr. Opiyo Ododa, oo isaguna ah madaxa qeybta arrimaha Bulshada ee AMISOM ayaa sheegay in kulamada noocan ah ay AMISOM ka saacidayaan in ay gaarto ajendayaasheeda Soomaaliya.

Guddoomiyaha Dalladda Jilayaasha aan Dowliga ahayn ee SONSA Cismaan Muxiyaddiin Macallin in kulamada noocan ah ee AMISOM iyo bulshada Rayidka ah ee Soomaaliya ay muhiim u yihiin xilliga kala guurka ah ee Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu sheegay in Ururrada Bulshgada Rayidka ah ay dor muhiim ah ka qaadan doonaan nabadda Soomaaliya.

You might also like More from author