Amarka R/wasaare Rooble Dul dhigay Wasiirada Xukuumada (Akhriso)

Ra’iisal Wasaaraha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo saaray Amar culus oo ku socda Hay’adaha Dawlada gaar ahaan Wasiirada Xukuumadiisa.

Waxa uu Rooble digreetadaan soo saaray maalin ka hor inta aan la saxiixin Heshiiskii doorashada waxaana warqada ku taariikheysan 26-ka Bishaan.

Wasiirada ayaa la faray inaysan wax Rooble ogeyn magacaabi Karin ama aysan tallaabo qaadi Karin.

Lama oga waxa xilligaan kusoo beegay Amarkaan,iyadoo maanta udambeysay la faafiyey Agaasimeyaal cusub uu magacaabay Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya Mukhtaar Xuseen Afrax.

Awooda Hay’adaha Dawlada waxa hadda gacanta ku haya Ra’iisal wasaaraha Jamhuuriyada Soomaaliya,isagoo wajahaya tijaabooyinkii udambeeyey.

You might also like More from author