Al-shabab oo weerar ismiidaamin ah ku qaadday Awdheegle

Wararka naga soo gaaraya degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in Ciidamada dowladda iyo AL-shabaab ku dagaallamayaan Magaaladaas.

Saraakiil ka mid ah Ciidamada Booliska Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Gobolka Shabeellaha hoose qaarkood ayaa u xaqiijiyay Idaacadda Mustaqbal in weerarka ku billowday Gaari laga buuxiyay walxaha qarxa kaddibna ay xigtay rasaas.

Khasaaraha ilaa hadda la hayo waxaa ka mid ah Wiil Kaamiramaan ahaa oo magaciisa lagu sheegay Gacal Cabdulle  kaas oo ka mid ahaa qeybta warbaahinta ee Booliska Soomaaliya.

Image

Waxaa la xaqiijiyay in uu ku dhintay qaraxa 1aad iyada oo ciidamada dowladda iyo AL-shabaab ay ku dagaallamayaan halkaas.

Saraakiisha maamulka Shabeellaha hoose ee ay la xiriirtay Idaacadda Mustaqbal ayaa ka gaabsaday  faah faahinta waxa socda hayeeshee waxaa ay sheegeen in ay mashquul ku yihiin dagaalka socda.

DHinaca AL-shabaab wali kama hadlin weerarka laga soo warinayo Awdheegle oo Ciidamada dowladda ay qabsadeen 7dii bishan August.

You might also like More from author