Al-shabab oo sheegay in Baardheere ay ku dileen sarkaal ka tirsanaa dowladda Somaliya

Xarakada AL-shabaab ayaa sheegatay in ay duleedka Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ku dishay Nin ay sheegtay in uu u shaqeynayay dowladaha reer galbeedka.

Ninkan oo ay Al-shabaab magaciisa ku sheegeen Adan Barre Kamas, ayaa waxaa ay sheegeen in sidoo kale ay ka qaateen Gaarigii uu watay.

Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sugan tahay hareeraha degmada Baardheere halka gudaha Magaalada ay maamulaan Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale banaanka Magaalada waxaa saldhig weyn ku leh Ciidamo ka socda dalka Itoobiya oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Baardheere ayey Ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaaliya ka qabsadeen Al-shabaab 22kii July sanadkii 2015kii tan iyo xilligaasna waxaa ku sugan Ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda Federaalka ah.

You might also like More from author