Al-shabab oo sheegay in ay qabsadeen saldhigga Keli Waraabow ee duleedka Jowhar

Dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ayaa sheegay in saaka aroortii ay weerar ku ekeeyeen saldhig Ciidamada dowladda ku leeyihiin agagaarka Keliga Waraabow ee duleedka Magaalada Jowhar.

Warbaahinta Al-shabaab ayaa baahisay in Ciidamada Al-shabaab ay qabsadeen saldhiggaas islamarkaana Ciidamadii dowladda ee ku sugnaa isaga carareen.

Waxaa ay sheegeen in weerarkaas ay ku dileen 6 ka mid ah Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee ku sugnaa Saldhigga la weeraray halka kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

Saldhigga Ciidamada dowladda ee ay sheegteen Al-shabaab in ay weerareen waxaa uu afar KM oo kali ah u jiraa Magaalada Jowhar waxaana uu uga beeganyahay dhinaca Galbeed.

Ma jiro ilo ka madaxbanaan Al-shabaab oo xaqiijiyay sheegashadooda la xiriirta weerarka Saldhigga Ciidamada dowladda ee Keli Waraabow iyo khasaaraha ay sheegteen.

Maamulka Hirshabelle ee ka taliya Gobolka Shabeellaha dhexe wali kama hadlin dagaalka AL-shabaab ay sheegeen in ay saaka ku qabsadeen saldhigga u dhow Magaalada Jowhar.

You might also like More from author