Al-shabab oo sheegatay in 13 Askari ay ku dishay Buur Hakaba

Dhaq dhaqdhaqaaqa Al-shabaab ayaa sheegay in dagaallo ka dhacay Waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhaba ay ku dileen 13 ka mid ah Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Soomaaliya.

Al-shabaab waxaa ay sheegeen in qarax iyo dagaal ka dambeeyay ay ku dhinteen askarta waxaana ay intaas ku dareen in dadka weerarkaas ku dhintay uu ka mid ahaa Taliyaha Ciidanka Koofur Galbeed ee degaanka Deynuunay oo ay magaciisa ku sheegeen Axmed Dheere.

Baraha Internetka ee taageera AL-shabaab ayaa lagu daabacy in weerar kale oo ka dhacay duleedka Buur hakaba lagu dilay saddex Askari halkaasna ay ku qaateen qoryihii ay wateen.

Majiro ilo ka madaxbanaan AL-shabaab oo xaqiijinaya sheegashadooda la xiriirta dagaalka ka dhacay Gobolka Baay ee ay sheegeen in ay ku laayeen Askarta.

Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya sidoo kale kama aysan hadlin weerarradaas.

You might also like More from author