Al-shabaab oo xukunno ku riday ganacsato ay ka afduubteen Kismaayo.

Dagaalameyaasha Al-shabab ayaa la sheegay in ay xukuno ku rideen Nabadoono iyo Ganacsato dhawaan ay ka Afduubten Magalada kismaayo.

Dadkan la Afduubtay waxa kamid ahaa Nabadoon Deeq Dhasheeg oo Kamid ahaa Nabadoona Jubbaland sido kale ganacsade ahaa, Mukhtaar Abuukar oo ka mid ah masuuliyiinta shirkad koronto oo ku taalla magaalada kismaayo iyo Nabaddoon  Yuusuf ilciro.

Dadkaan ay Al-shabaab xukunka ku rideen ayaa waayadan dambe lagu haayay xabsi ku yaallo degmada jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, waxaase horay ugu goodiyay oo xiriir lasoo sameeyay dagaalamayaal ka tirsan alshabaab

Laamaha amniga ee Jubbaland oo aan xiriir la samaynay warkaan waa ay ka gaabsadeen, balse ehelada dadkaan ayaa dhankooda walaac xoogan ka muujiyay talaabada A-lshabaab iyo xukunka dadkaan lagu riday oo aysan Ururkaasi wali cadayn nooca xukunka dadka lagu riday

You might also like More from author