Al shabaab oo sheegtay in sarkaal ciidan ku dileen Jowhar.

Al shabaab ayaa sheegtay in ciidamo ka tirsan Xalay in ay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ay ku dileen degmada Jowhar oo Xarunta u ah Dowlad Goboleedka Hirshabeele.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in sarkaalka ay dishay uu ahaa hal xidigle ka tirsanaa ciidamada ka howlgala magaaladaasi.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in xoogagii dilay ay horay uga sii qaateen qori AK47 ah oo uu watay, sida laga soo xigtay warbaahinta ku hadasha Afka Al shabaab,

Dhanka kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha amaanka Hirshabeele oo ku aadan ku aadan dilka Sarkaalka Al shabaab sheegtay in ay ku dishay Magaaladda Jowhar ee Xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabeele.

Ammaanka Jowhar ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid degan, iyadoona ciidanka amnigu ay howlgallo ka wadeen gudaha magaaladaasi walow aysan jirin ilaa hada Cid loo soo qabtay Dilka Sarkaalkaan.

You might also like More from author