Al-shabaab oo shan qof ku toogatay Jubada hoose

Dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ayaa sheegay in Gobolka Jubada hoose ee Koofurta Soomaaliya ay ku toogteen shan qof oo ay ku eedeeyeen in ay basaas u ahaayeen waddamo shisheeye.

Shanta qof ee la tooggtay ayaa qofka ugu yar da’diisu tahay 24 jir,waxaana ugu weyn 59 jir kuwaas oo ay AL-shabaab ku eedeeyeen in ay u kala shaqeynayeen Mareykanka,Kenya iyo dowladda Soomaaliya.

Toogashadan waxaa ay shalaay gelinkii dambe ka fuliyeen Degaanka Xagar ee Gobolka Jubada hoose.

Al-shabaab ayaa magacyada dadka ay toogteen ku kala sheegay;

1-cusmaan Cabdulle Cabdullaahi ( Buulle) oo 59 sana jir ahaa waxaa lagu eedeeyay in uu u shaqeynayay Ciidamada Danab iyo sharikadda Bangraf ee tababarta ciidamada Soomaaliya.

2-Cabdi kariim Muuumin Axmed oo 48 sana jir ahaa waxaa lagu eedeeyay in uu u shaqeynayay sirdoonka dowladda Federaalka Soomaaliya .
3-Xasan Barre Isxaaq (Jiiroow Barroow) oo 35 sana jir ahaa waxaa lagu eedeeyay in uu u shaqeynayay Dowladda Kenya.
4-Cumar Xasan Axmed (Cumar Cuuke) oo 33 sana jir ahaa waxaa lagu eedeeyay in uu u shaqeynayay hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da
5-Axmed Cabdullaahi Warsame oo 24 sana jir ahaana waxaa lagu eedeeyay in uu u  basaasayay hay’adda Sirdoonka Mareykanka ee CIA-da.

Al-shabaab ayaa inta badan xukunnadan oo kale ka fulisay Gobollada ay ku xoogganyihiiin sida Shabeellaha hoose, Baay, Bakool, Hiiraan iyo Galguduug.

You might also like More from author