Al-shabaab oo la wareegay degmada Matabaan

Dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay inay la wareegeen gacan ku haynta Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan, sida uu soo sheegayo weriyaha KNN Xasan Axmed Maxamed.

Qoraal ay Al-shabaab ku daabaceen warbaahinta taageersan ayay ku sheegay in dagaalameyashooda ay guud ahaan la wareegeen degmada Matabaan.

Dadka deegaanka ayaa soo wajahday Cabsi ku aadan in dagaal uu halkaasi ku dhexmaro ciidamada dowladda iyo Al-shabaab.

Ma jirto weli wax war ah oo kasoo baxay Hay’adda amniga Soomaaliya oo ay uga hadlayaan sheegashada Al-Shabaab ee ah in Matabaan ay la wareegeen oo Maamul ahaan ka tirsan Hirshabeelle, balse Galmudug ay maamusho.

You might also like More from author