Al-Shabaab oo dagaal ku qaaday ciidamo cadaan ah iyo kuwa Soomali ah

Wararka laga helayo duleedka Magaalada kismaayo ee gobalka jubada hoose gaar ahaan inta u dhexeysa Deegaanada baar-sanguuni iyo Buulla Gaduud ayaa sheegaya in Dagaal culus uu halkaasi ku dhexmaray ciidamo ka tirsan xoogga oo garab ka helayo kuwa Mareykanka iyo Dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Buulo-Gaduud ee gobolkaasi.

Waxaana la sheegay in uu yimid, kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab ay dhaq dhaqaaqyo ka bilaabeen deegaankaasi oo ay fariisin milatari ku leeyihiin Ciidamada maamulka Jubbaland.

Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee labada dhinac iyo sidoo kale dadka deegaanka ka soo gaaray dagaalkaasi.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha Ciidanka Jubbaland oo ku aadan dagaalkaasi.

Muddooyinkii dambe Al Shabaab ayaa dhaq dhaqaaqyo ka waday deegaano ka tirsan Jubbooyinka oo ay weli ku gacanta ku hayaan deegaano ka mid ah gobolladaaasi.

Ciidamada Huwanta ayaa doonaya inay Shabaab ka saaraan deeganada ay ka joogaan duleedyada Magaalada Kismaayo.

You might also like More from author