Al shabaab & Ciidamada Dowlada oo ku Dagaalamaya degmada Ceelwaaq

Wararka naga soo gaaraya degmada Ceelwaaq ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay weerar ku qaadeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Dadka degaanka ayaa warbaahinta u sheegay in saakay Aroortii ay kusoo baraarugeen dhawaqa rasaasta oo laga maqlaayay Xaafado ka mid ah degmada Ceel-waaq.

Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay Weerar xooggan ay ku qaadeen Magaalada.

Sidoo kale waxaa la sheegaya in Gudaha Magaalada laga maqlay Qarax Xooggan.

You might also like More from author