Aktarka Caanka ah Amir Khan Oo Laga Helay Covid 19

Aktarka Filimaanta Hindiga Lagu bartay Amir Khan ayaa baaritaan lagu sameeyey waxa la xaqiijiyey in Cudurka Covid 19 Laga helay.

Afhayeen u hadlay Amir Khan ayaa sheegay in Aktarka uu isku karantiilay gurigiisa oo ku yaalla Magaalada Mumbai Ee Caasimada ganacsiga Dalka Hindiya.

“Dhamaan dadka ila soo xiriiray waan fiicanahay,waxaan idiin sheegayaa in fariimihiina ay isoo gaareen,ducadiina waad ku mahadsan tihiin ayuu yiri Amir Khan”.

Khan oo ka mid ah Shirkada Filimaanta Hindiga Ee Bollywoodka,ayaa 56 sano jirkaan waxa uu sheegay in wel welka la yareeyo,oo Cudurka uu la dagaalami doono.

You might also like More from author