Akhriso:-Wararkii u dambeeyay ee xaalada Galmudug

Waxaa isbedel laga dareemayaa xaalada deegaannada Galmudug gaar ahaan Magalada Dhuusamareeb,halkaas oo labadii maalmood ee la soo dhaafay ay ka taagneyd xiisad u dhaxeysay Dowladda Federaalka iyo hoggaanka Ahlusunna.

Waxaa xal laga gaaray kala aragti duwanaan ka dhex-jirtay hoggaanka Ahlusunna,kadib markii ay ku kala qeyb sameen holwaha ay dowlqdda federaalka ka wada Magalada Dhuusamareeb & guud ahaan deegaannada Galmudug.

Madaxa Fulinta Ahlu-sunna Sheekh Cabdirisaaq Maxamed Cali Mire Al-Ashcari ayaa Ahlusunna u xil saartay hoggaaminta Kulamada dowladda Dhexe iyo Ahlusunna iyo guud ahaan Doorashooyinka Galmudug.

Dhinaca kale Wasiirka Arimaha Guddaha Eng Cabdi Maxamed Sabriye ayaa la kulmay Madaxda ahlusunna si loo xaliyo tabashada ay qabaan,waxaa uu sidoo kale aa Fadhi la qaatey Ganacsatada Magaalada Dhuusamareeb oo uu uga waramey Kulankii hoggaanka Ahlusunna oo sida wasiirku sheegay ku soo dhamaadey Guul iyo Isfahan

Tan iyo markii Dowladda Federaalka ay Ciidamo farabadan geysay Magalada Dhuusamareeb ayaa waxaa tuhun uu soo kala dhex-galay Dowladda & Ahlusunna,hayeeshee ay weli socdaan kulamo lagu xalinaayo.

Si kastaba Saacadaha soo socda ayaa la filayaa In Wasaaradda Arimaha Guddaha Soomaaliya ay soo saarto War ay ku xaqiijineyso in la xaliyey tabashadii Ahlusunna laguna Cadeynayo sii socoshada Hanaanka shirka dib u Heshiisiinta iyo Howlaha Dhismaha Galmudug loo dhan yahay.

You might also like More from author