Akhriso:-Taariikh Nololeedka Gudoomiye ku-xigeenka Cusub ee Maamulka G/Banaadir

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto Madaxweyne ugu magacaabay Mudane Ibraahim Cumar Mahad Alle (Ibraahim Dheere) inuu noqdo Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Maamulka Maaliyadda Gobolka Banaadir.

Hoos Ka Akhriso Taariikhda kooban ee Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Maamulka Maaliyadda Gobolka Banaadir.

Sida ku cad taariikh nololeedkiisa Mudane Ibraahim Dheere wuxuu ku dhashay magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan sanadkii 1975-kii.

Waxbarasha Hoose iyo Dhexe wuxuu ku qaatay Dugsiga Axmed Warsame ee isla Beledweyne, waxbarasha ka horreysa heerka Jaamacadda ee u dhiganta Dugsi Sare wuxuu ka dhigtay dalka Holland, Shahaadada 1aad ee Jaamacadda wuxuu ku diyaariyay Culuumta Maamulka iyo Xisaabaadka, wuxuu lasoo shaqeeyay Hay’adda UNPOS, isagoona la-taliye kasoo noqday Unuggii Siyaasadda ee Villa Soomaaliya intii u dhaxeysay 2013-2015).

You might also like More from author