AKHRISO: R/wasaare Kheyre oo Maanta Dalka ka Dhoofaya, Halkee ayuu ku sii jeedaa?

Xasan Cali Kheyrre Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya iyo Wafdi ka mid ah Golahiisa Wasiirada ayaa maanta lagu wadaa in ay ka baxaan magaalada Muqdisho waxayna ku wajahan yihiin magaalada New York ee Dalka Maraykanka halkaas oo ay kaga qeyb gali doonaan Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Qaar ka mid ah Saraakiisha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in Ra’iisal Wasaaraha iyo wafdigiisa ay goor-dhaw ka bixi duuli doonaan Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle Cusmaan “Aadan Cadde” ee magaalada Muqdisho.

Wafdiga Ra’iisal Wasaare Kheyrre ayaa waxaa magaalada New York ugu sii horeeya Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar iyo Xubno kale oo Dowladda Soomaaliya ka tirsan.

Diyaar garowga bixitaanka Ra’iisal Wasaaraha ayaa hadda ka socoto Madaxtooyada Soomaaliya waxa uuna la tashiyadii ugu danbeeyay la leeyahay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

You might also like More from author