AKHRISO: Maxaa ka jira in Soomaaliya iyo Kenya uu u socdo Wadahadal ku saabsan Muranka Badda?

Saacaddihii lasoo dhaafay ayaa waxaa soo ifbaxday in dowladda Soomaaliya ay dowladda Kenya ay la bilowday Wadahadal ku saabsan Muranka Badda ee ka dhaxeeya Labada dal.

Markii hore dowladda Kenya ayaa dhowr jeer ku dhawaaqday in ay doonayso in aan Maxkamad la aadin oo wada hadal hoose lagu dhameeyo Khilaafka Labada dal,laakiin dowladda Soomaaliya ayaa arintaasi ka biyadiiday oo Dacwad ka dhan ah dowladda Kenya geysay Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya ayaa hadda sheegay in dowladda Soomaaliya ay ogolaatay wadahadal,islamarkaana hadda uu jiro wadahadal u socda Labadda dal.

Wasiirka arrimaha dibadda Dalka Kenya , Monica Juma,ayaa sheegtay in wadahadalka lagu xallinayo muranka dhinaca Badda ah ee u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya uu yahay mid socda,islamarkaana maraya meel wanaagsan.

Monica Juma Waxaa ay sheegtay  wahadalka labada dal uu ka muhiimsanyahay Maxkamadda ICJ ,ayna suurtagal tahay in lasoo Afjaro Muranka Labada dal ee badda ka dhashay.

“ Soomaaliya iyo Kenya waa dalal walaalo ah,deris ah isuna dhow,sidaas darteed iyaga ayey ku wanaagsan tahay in ay dhameystaan waxa u dhaxeeya iyada oo aysan ku dhex jirin gacan saddexaad” ayay tiri Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya.

Labada dalba waxay sheeganayaan lahaanshaha dhul badeed bedkiisu uu gaarayo 142 kun oo km oo labo jibbaaran, waxayna sidaasi darteed Soomaaliya ka dalbatay maxkamadda inay xadeyso xaduudda badda ee labada dal si waafaqsan xeerarka caalamiga ah.

You might also like More from author