AKHRISO: Jubbaland Oo Amaro Dul Dhigtay Dadka Ku Nool Deegaanadaasi

Madaxweyne kuxigeenka Koobaad Ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa Awaamiir kasoo saaray sidii loo xakameyn lahaa Cudurka covid 19.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Maxamuud Sayid in Shacabka ay xirtaan Af saabka Ama FACEMASK,si loo yareeyo Cudurka Faafitaankiisa.

Ciidamada Amniga ayuu Amray inay dhaqan gelinta Awaamiirtaasi islamarkaana tallaabo laga qaado cidii ka dhego adeegta.

Goobaha Ganacsig iyo xarumaha Jubbaland oo dadka tegaya la faray in dadku qaataan Face Mask,cidii laga waayana ay Ciidamada xiri doonaan.

Deegaanada Jubbaland gaar ahaan Kismaayo dhowr qofood ayaa udhintay cudurka Covid19 saacadihii lasoo dhaafay,wax u eg hargab ayaa dad badan oo aan is baarin soo foodsaaray.

 

11

22

You might also like More from author