AKHRISO: Galmudug oo hakisey golayaasha deegaanka 5 degmo

Kadib is jiid jiid ka taagnaa maalmihii udambeeyey Golaha Deegaanka Balanbal ayaa xalay waxaa jirtay in Amar uu ku bixiyey in la hakiyo golahaasi Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye.

Hayeeshee Wasiirka Arimaha Gudaha Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac Waayeel ayaa taasi ka hor yimid sida aan wararka ku ogaanay,iyadoo ay khilaaf ka dhashay arintaasi maamulka ka jirto.

Maanta oo sabti ah waxaa qoraal soo saaray Wasiir kuxigeenka Wasaarada Arimaha Gudaha Galmudug Axmed Cusmaan Aadan isagoo sheegay in la joojiyey golayaasha Deegaanka oo shan ka kooban kuwaas oo kala ah: Dhuuso mareeb,Balanbal,Hobyo,Caabudq waaq iyo Cadaado.

Wasiirka ayaa amar ku bixiyey in howlwadeenada wasaarada ay 12 saacadood ku yimaadaan Magaalada Dhuuso mareeb si lagala hadlo arimo quseeyo howshooda.

G
G

You might also like More from author