Ahmed Madoobe oo la kulmay Gudiga doorashooyinka

 

Fb Img 1634935988390
Madaxweynaha Jubaland Mudane Ahmed Mohamed Islaam ayaa kulan mahad celin iyo dardaaran isugu jira la qaatay qaar kamid ah xubnaha guddiga Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland iyo heer Federaal iyo guddiga xalinta khilaafadka.

Madaxweynaha ayaa xubnahan uga mahad celiyay sida hufan ee ay usoo dhamaystireen Doorashooyinka xubnahii u danbeeyay ee Aqalka sare ee Jubaland ku dhimanaa, isagoo hoosta ka xariiqay in hada wixii ka danbeeya la guda gali doono Doorashooyinka golaha shacabka.

Madaxweynaha ayaa xubnahan ku booriyay inay sii laba jibaaran shaqooyinka horyaala taas oo qeyb ka ah dadaalada dalka loogu jihayno Doorashooyinka oo hada muhiim u ah dalkeena.

You might also like More from author