Ahlusunna oo deegaanka Bohol kusoo bandhigtay Nin hubeysan.

Xoogaga Ahlusunna eek u sugan degaanka Bohol ee Gobolka Galgaduud waxaa ay deegaankaas kusoo bandhigeen Nin hubeysan oo ay ku sheegeen in uu kasoo goostay Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Sida baraha bulshada lagu baahiyay Ninkaan ayaa wata laba qoray oo nuuca BKM ama Dabajeex iyo Gaari nuuca raaxada ah, iyadoo uu haatan gacanta ugu jiro Xoogaga Ahlusunna eek u sugan deegaanka Bohol oo markaa u ah fariisin.

Weli kama aysan hadlin laamaha ammaanka Soomaaliya si gaar ah Saraakiisha ciidamada xoogga ee ku sugan deegaannada Galmudug, balse tani ayaa imaaneysa iyadoo maalmo kahor uu Sarkaal ka tirsanaa Kooxda Ahlusunna iyo ciidamadiisa oo wata hub iyo gaadiid ay isku soo dhiibeen Ciidamada dowladda Soomaaliya.

You might also like More from author