Ahlusuna oo ka hadashay Ciidamo la sheegay in la geeyay Dhuusa-mareeb
Warbaahinta qaar ee dalka ayaa shalay tabiyay war sheegaya in Ciidamo ka tirsan Midowga Afrika ee AMISOM la geeyay magaalada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galgaduud.
Madaxweyne ku xigeenka Maamulka gobolada dhexe ee Ahlusuna C/laahi Xirsi Diirshe Daacad ayaa sheegay in ay been abuur yihiin wararka sheegaya in Ciidamo AMISOM ah la geeyay magaalada Dhuusa-mareeb.
Wuxuu sheegay warkan in uu yahay xaaalad qaldan oo la abuuray, maamulka gobolada dhexena warkaasi uu u arkayo mid dad gaar ah ay iska wadaan.
C/laahi Xirsi Diirshe Daacad Madaxweyne ku xigeenka Maamulka gobolada dhexe ee Ahlusuna ayaa dhanka kale sheegay in uusan jirin wadahadal u socda maamulka Galmudug iyo Ahlusuna.
“Waa been abuur in Ciidamo AMISOM ah la keenay Dhuusa-mareeb, horey waxaa Dhuusa-mareeb u joogay Ciidamadii Dowladdii hore ay keentay ilaa hada kuwaas aya jooga, ma jiraan wadahadal inoo socda anaga iyo Galmudug.” Ayuu yiri C/laahi Xirsi.