Agaasime Koofi”Ajaaniibta dalka joogta qaarkood waa dambiilayaal”

Taliyaha hogaanka laanta socdaalka iyo jinsiyada ee dowladda soomaliya Maxamed Aadan Jimcaale Koofi ayaa sheegay in dalka ay ku sugan yihiin ajnib farabadan oo dambiyo kasoo gelay wadamadooda islaamarkaana caalmaka laga baadi goobayo.

Mr koofi ayaa shaaca ka qaaday inay wadaan diiwaan gelinta ajaaniibta soomaliya gudaheeda sharci darada kusoo gashay.

Taliyaha ayaa tilmaamay in ajaajinta qaar ee dalka jooga in ay yihihiin kuwoo dambiyo soo galay.

Maxamed Aadan ayaa hoosta ka xariiqay dadka dambiyada soo gelay ay ku wareejinayaan hay`adaha amaanka ee Soomaaliya, si dib loogu ciliyo wadamada ay ka soo baxsadeen.

Dalka Soomaliya ayaa waxaa kusoo qul qulay ajaaniib kayimaada wadama caalamka wixii ka dambeeyay markii ay dhacday dowladii dhexe ee  Soomaaliya, iyadoona aysan jirin cid laxisaabtanta.

You might also like More from author