Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo kormeeray Garoonka diyaaradaha Boosaaso+(Sawiro)

Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Soomaaliya Col. Maxamed Aadm Koofi iyo wafdi uu hogaaminayo oo manta gaaray magaalada Boosaaso ayaa kormeer ku sameeyey howlaha socdaalka ka socda Air-porka caalamiga ah ee magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Agaaasimaha wuxuuna halkaas kula kulmay saraakiisha iyo shaqaalaha socdaalka ee ka howlgala Air-porka Boosaaso oo ka mid ah Garoomada ugu casrisan ee dalka ku yaala.

Waxaana uu agaasimaha ku ammaanay shaqaalaha socdaalka ee ka howlgala Air-porka Boosaaso howlaha muhiimka ah ee ay u hayaan bulshada isaga oo kula dardaarmay ilaalinta sharciga iyo amniga dalka.

Col. Koofi ayaa dadaal ugu jira sidii loo horumarin lahaa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ka dib mudo ka badn 20-sano oo dalka dagaalo ku soo jiray,balse hadda la dareemayo horumar dhinacyo badan leh.

You might also like More from author