Agaasimaha Guud Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadaha Oo Safiirka Shiinaha Kala Hadalay Sidii Mawaadiininta Soomaaliyeed Lagu fududeyn lahaa dal ku galka Shiinaha

Kulan ay Maantay Garoonka Adan Abdulle International Airport ku yeeshen Agaasimaha Guud hay’adda Socdaalka Iyo jinsiyadaha iyo Safiirka Dalka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya waxeey ka wada hadlnay xoojinta Xariirka iskaashiga Dhinaca Socdaalka iyo in la Fududeeyo isku socodka labada Dal, gaar ahaan Dal Ku-galka Soomaalida Waxbarashada iyo Ganacsigaba u aadaya Dalka shiinaha.

Dhinaca kale waxa uu Safiirku Ballan qaaday in ay naga caawinayaan Dhinacyada Tababarada Shaqaalaha iyo Mashaariicda Hormarinta Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadaha tan iyo Marki loo Magacaabay Agaasimaha Guud Ee hay’addas Col Maxamed Aadan Jimcaalle Koofi Waxaa Muuqday horumar weyn Ay ku talabsatay hay’addas.

Xamarpost.com
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

You might also like More from author