Afhayeenka Kenya Oo Ka Xanaanijiyey Shacabkiisa Kiiska Badda Awgeed

Hadal kasoo yeeray Afhayeenka Dowladda Kenya, Cyrus Oguna ayay dad badan oo reer Kenya ka caroodeen kadib markii uu sheegay “in dadku ay joojiyaan inay ka qeyliyaan” canshuurta badan ee lagu soo rogay shidaalka.

Dalka Kenya ayaa waxaa tallaadadii lasoo dhaafay ka dhaqna galay canshuur dheeraad ah oo ay dowladda kusoo rogtay shidaalka.

Mr Oguna ayaa warbaahinta u sheegay “in canshuurta ay bixiyaan reer Yurub ay aad u badan tahay marka la eego waxa ay bixinayaan shacabka reer Kenya”.

“Waanu calaacaleyna ayadoo aysan jirin wax laga calaacalo, waa in aynu garab istaagnaa dowladdeena oo aan taageernaa”, ayuu yiri.

Qaar kamid ah dadka reer Kenya ee adeegsada baraha bulshada ayaa raali gelin ka dalbaday afhayeenka, waxayna sababta ku sheegeen in hadaladiisu ay ahaayeen kuwa aanan waxba soo kordhineynin xilliga oo dad badan ay la daalaa dhacayan dhaqaale xumi.

Hey’adda la socodka tamarta ee dalka Kenya, ayaa sheegtay in sababta sare u kaca qiimaha batroolka ay tahay wax kabadel ku yimid hannaanka shidaalka uu kusoo gaaro Kenya.

Warbaahinta Nation ee dalka Kenya ayaa kusoo warrantay in Kenya ay tahay dalka ugu qaalisan dhanka shidaalka marka la eego dalalka deriska sida Uganda iyoTanzania.

You might also like More from author