Afhayeenka Al Shabaab Oo Hadlay Tukashadii Salaadii Ciida Kadib

Si isku mid ah ayaa deegaanada Al Shabaab joogaan waxa maanta oo Arbaco ah laga oogay Salaada ciidul fidriga,iyadoo Magaalooyinka Bu’aale,Jilib,Ceel buur iyo deegaano kale boqolaal dadweyne ah iskugu soo baxeen.

Sawirro lagu faafiyey Baraha ay wararka ku faafsadaan Al Shabaab ayaa laga arki karay dad salaada tukanayey,waxaana meelaha ciida lagu tukaday midkood Khudbad ka jeediyey Afhayeenka guud ee Shabaabka Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere).

Inuu Tahniyada ciida udirayo ciidanka udagaalama iyo bulshada islaamka kasokoow waxa uu Cali dheere soo hadal qaaday Dagaalka ay kula jiraan ciidamada dawlada iyo Kuwa AMISOM.

Waxa uu hoosta ka xariiqay inay ku guuleysteen deegaanada ay joogaan in nabad kusoo dabaalaan,isagoo sheegay inay ka xun yihiin dhibaatada ka jirta Qudus,Ee Reer falastiin,Shiinaha iyo Muslimiinta lagu ciqaabo turkumistaan,Dhibka yaalla Myanmar & Kuwa badan oo Africa lagu waxyeeleenayo Islaamnimadooda awgeed.

Meelaha Al Shabaab ka arimiyaan keliya ayaa soomaaliya iyo Caalamul islaam laga ciiday Arbacada maanta ah,iyadoo inta badan Dawladaha Hogaanka Muslimiinta hayaan ay berri oo khamiis ah la isku diyaariyey in la ciido.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

You might also like More from author