Aabe Saddex Carruur ah ku waayay roob ka da’ay Puntland

Daadad kasoo rogmaday roobab mahiigaan ah oo maalmihii ugu dambeeyay ka da’ayay degmada Waaciye ee maamulka Puntland ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay la tageen 3 wiil oo walaalo ah.

Aabaha dhalay Carruurta ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in daadadkaasi ay kala tageen Carruurta, Maadaama ay deganaayeen meel Dooxo ah oo ku taalla degmada Waaciye ee gobolka Bari.

“Saddex waa dhimatay, laba carruur ah ayaa ii hartay, mid kamid ah hooyadiis ayaa xambaarsanayd mid ka kalena waxa uu jiray magaalada Carmo” ayuu yiri Ismaaciil oo ah aabbaha ay dhibaatadu soo gaartay oo la hadlay laanta Afsoomaaliga ee BBC.

Roobabkii gu’ga ayaa ka curtay qaybo badan oo kamid ah Soomaaliya iyadoo meelaha qaarna laga soo sheegayo khasaare ay roobabkaasi dhaliyeen.

 

You might also like More from author