7 Qof Oo udhintay markii la duray Talaalka Oxford-AstraZeneca

Maamulka Caafimaadka ee Uqaabilsan UK ayaa sheegay maanta oo sabti ah in 30-kii qof ee dhiiga xinjiroobay kadib markay heleen tallaalka Oxford-AstraZeneca,ay toddobo qof ka mid ah ay dhinteen.

Wixii ka dambeeyey 24-kii bishii dhamaatay Maarso waxaa la diin waan geliyey 30 qof oo talaalka Corono qaatay ay dhiigooda fadhi noqday.

Cabsidii laga qabay talaalka ayaa mar kale dibada usoo baxay,dhimashada 7 qof ayaana la sheegay inay Dawlada diin waan gelisey.

Wakaalada Wararka AFP ayaa daabacday warbixintaan ay baqdin kale abuureyso,xilli dadka qaar ay sheegeen in markii horeba shaki ka qabeen inay is talaalaan.

You might also like More from author