6 Katirsan Al Shabaab Oo Howlgal Qorsheysan Lagu Qabtay (SAWIRRO)

Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Ayaa howlgallo Qorsheysan waxa la sheegay inay kafuliyeen Deegaana kamid ah Gobalka Shabellaha Hoose.

Goobaha Howlgalka laga sameeyey ayaa waxaa ka mid ah Deegaanka, Aliyow Baarow Doonka aw guudle, Buusleey, Galooy, Xarbiga, Warta mursal, Bulo ay Famey, Baleey & Garasdaay.

Ciidanka ayaa howlgalkaasi ku soo qabqabtay 6 Qof oo lagu sheegay inay katirsanaayeen Al Shabaab iyo Hub u badan Qoryo fudud ay heysteen.

Waxaa sidoo kale la gubay Goobihii ay ku dhuumaalaysanayeen iyo Xabsi ay Dadka ku ciqaabi jireen oo laga sii daayey Muwaadiniin u afduubnaa.

161783573 1811565912326213 3690612540384313722 O

161951001 1811566328992838 8346833758650570712 O

162112360 1811566445659493 7637454801327553442 O

162172260 1811566185659519 5907069232912593111 O

You might also like More from author