5 Dhalinyaro Isku Koox Ahaa Oo Ku dhintay Qaraxii Xalay Shangaani

Qarax ismiidaamin ah ayaa waxa uu xalay ka dhacay Degmada Shangaani halka loo yaqaano Seddexda Geed,iyadoo khasaaro kala duwan uu ka dhashay Qaraxaasi.

Qof jaakad walxaha qarxa ku xirneyd watay ayaa la sheegay inuu fuliyey Ismiidaaminta,kudhawaad 6 qof ayaa dhintay iyadoo dhaawaca uu ka badan yahay 7 ruux.

Dadka dhintay waxaa ku jira 5 wiil dhalinyaro ahaa oo koox kawada tirsanaa islamarkaana ku sheekeysanayey maqaaxi shaah oo aheyd meeshii ismiidaaminta ka dhacday.

Shirkad dhinaca Dalxiiska ka shaqeysa oo SOMTEX la yiraahdo ayey ku bahoobeen Dhalinyaradaasi dhintay,waxaana ka mid ahaa Bile Afaane oo caan ka ahaa Muqdisho.

Wasiirka Wasaarada Maareynta iyo Musiibooyinka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka tacsiyadeysay Dhalinyaradaasi la laayey waxay sheegtay in indhaha laga riday mustaqbal soo baxayey kuwaas oo dhalintaas ku tilmaamtay inay ahaayeen dalxiiska Waddanka inay dadka ugu yeeri jireen.

Madaxda Qaranka iyo Hogaamiyeyaasha Dawlad Gobolleedyada,Dawlada Turkiga iyo Bulshada Qeybtood ayaa ku biiriyey Fariimaha tacsida dadka ku le’day Qaraxii Xalay ka dhacay Shangaani.

Ururka Al Shabaab oo sheegtay weerarkaasi inay ka dambeeyeen waxay sheegeen in 15 Qof oo Ciidamo Boolis ah,Saraakiil dhar cad & Shaqaale Dawladeed.

You might also like More from author