3 Qof oo nin mindi watay maanta ku dilay Magaalada…

Sida ay baahiyeen qaar ka mid ah Warbaahinta Ruushka nin mindi watay ayaa waxa isniinta maanta ah uu weerar ka fuliyey Magaalada Shilisnodoroshni.

Ilaa seddex qof ayuu tooreyda ku dilay ninkaasi ka hor inta aysan ciidamada amaanka gacanta ku dhigin.

Goobta falka ka dhacay ayaa aheyd meel busteejo Tareenada laga raaco,iyadoo galbeedka Caasimada Moscow ay ku beegan tahay.

Meesha ay wax ka dhaceen waxaa ku nool dad gaaraya 1.3 milyan qof waxaana ciidamada ay baaritaano ku hayaan gacan ku dhiiglaha.

Wakaalada Wararka TAAS ayaa sheegaysa in aysan weli ogaan weerarka in uu salka ku haya warar argagaxiso iyo in kale.

You might also like More from author