25 Al Shabaab ah oo lagu dilay Howlgal laga fuliyey Gobolka Hiiraan

Howlgal ay ciidamada Meliteriga ka fuliyeen Inta udhaxeysa Degmooyinka Jalalaqsi iyo Buula burde ayaa lasoo sheegayaa in faah faahino kasoo baxayaan dagaal daba socday Howlgalkaasi.

Al Shabaab ayaa dagaal kala hor yimid ciidmada Xoogga Dalka,waxaana deegaanka ceel bacad ee ku dhaw Buula burde dagaalka xoogiisa uu ka dhacay.

Taliska Meliteriga Soomaaliya ayaa waxay sheegeen in 25 al Shabaab katirsanaa lagu dilay howlgalkaasi.

General Odawaa Yuusuf Raage ayaa waxa uu sheegay in howlgalkaasi Gobolka Hiiraan looga furtay Al Shabaab hub iyo Agab kale.

Howlgalkaan Buula burde ilaa Jalalaqsi inta udhaxeysa laga fuliyey ayaa qeyb ka ah duulaan Ciidamada Xoogga muddooyinkii dambe ka wadeen deegaano katirsan HirShabelle.

Maalin ka hor waxaa Dawladu ay sheegtay in kudhawaad 50 xubnood al Shabaab katirsanaa lagu dilay howlgal laga fuliyey deegaano katirsan Gobolka Sh/Dhexe,welina howlgalkaasi deegaano kale kusii siqayaan.

You might also like More from author