24 Qof Tahriibayaal ahaa oo doon ay la socdeen la degtay Xeebaha..

Doon ay la socdeen dad tahriibayaal ah ayaa ku qalibantay sida la sheegay Xeebaha Dalka Spain.

Waxa la sheegay in doonta quustay ay ku dhinteen 24 qof sida ay tebiyeen qaar ka mid ah warbaahinta Dalalka Morroco iyo Spain.

Meel ku dhaw Jasiirada Teneriife ayey doonta ku qalibantay,waxaana jira dad kale oo laga cabsi qabo inay iyaguna ku jiraan badda oo weli la baadi goobayo.

Ma ahan markii ugu horeysay oo dad tahriib u ahaa waddanka Spain ay ku dhintaan doonyo ay la socdeen oo badda kula degay.

You might also like More from author