15 Qof oo ku dhintay Cusbitaal dad qaba covid 19 dab qabsaday

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dab qabsaday cusbitaal ku yaalla Magaalada Baqdaad.

Xarun lagu karantiilo dadka uu ku dhaco Caabuqa Covid 19 ayaa la sheegay in dabka uu ka kacay,waxaana dhimashada ay gaareysaa 15 qof halka dad kale oo dhaawacmay jiraan.

Wararka ayaa sheegaya in 36 qof oo gubasho kasoo gaartay ay jiraan Dabka oo qaarkood xaaladooda ay aad u liidato.

Inkabadan 100 qof oo bukaan cusbitaalka jiifay ayaa laga bad baadiyey dabka si aanay waxyeelo usoo gaarin,waxaana gubasho soo gaartay Agabkii Cusbitaalka yaallay.

You might also like More from author