DHAGEYSO: Wasiir Dubbe “Go’aan Walbo Oo ICJ Waan Ku Qanci Doonaa”

Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Xil gaarsiinta Soomaaliya Cusmaan Abokor Dubbe ayaa sheegay in Kenya mar marsiyo iyo wax aan soconeyn sida uu warka udhigay ay soo jeedisey si ay uxagal daaciso arimaha Kiiska Badda.

Wasiir Dubbe ayaa sheegay in Go’aan walbo oo Xeer beegtida Maxkamada ICJ ay noqon doonto mid ay soomaaliya ku qanceyso.

Waxa uu wasiirku sheegay inay marnaba aysan dooneyn Soomaaliya damaaci gaar ahna ku jirin Qadiyada Badda awgeed inay ku xad gudubto deegaano Kenya Leedahay balse taas badelkeeda uu Wasiir Dubbe sheegay in waxa Soomaaliya leedahay aan la qaadan doonin.

Warkaan kasoo baxay Wasiir Dubbe ayaa kusoo aadaya xilli maalin ka hor Dawlada Kenya ay ku Eedeysay Soomaaliya inay dooneyso dhul Kenya Leedahay Qaadato.

Kiiska Badda Kasokoow Labada dal ayaa xiriirkooda hoos ahaa iyadoo sanadkii hore dhamaadkiisii safaaradaha kala rarteen si kumeel gaar ahna shaqadii ujoogsatay.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

You might also like More from author