DHAGEYSO: Wasiir Dubbe “Doorashada Dalka Waa Ay Bilaabaneysaa”

Shir ay yeesheen Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ayaa maanta ka furmay si hordhac Ah Magaalada Muqdisho,iyadoo Puntland iyo Jubbaland ay ka maqnaayeen Shirkaasi.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Xil gaarsiinta Cusmaan Abokor Dubbe ayaa sheegay in Shirkaan maanta Muqdisho ka furmay uu noqonayo mid gogol xaar usii ah kan ay DFS,DGS & Gobolka Banaadir iskugu imaanayaan.

Wasiir Dubbe ayaa hoosta ka xariiqay in Shirkaan bilow uyahay Arimaha doorashada Dalka ka dhacaya,iyadoo uu xusay in shacabka ay ku niyad dhistaan in wax wanaagsan soo bixi doonaan.

Hadalka Wasiir Dubbe iyo Shirkaan Maanta Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ku yeesheen Muqdisho ayaa kusoo beegmaya xilli kala aragti duwanaan siyaasadeed weli ka dhex jirto Qaar ka mid ah Dawlad Gobolleedyada iyo Dawlada Federaalka.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

You might also like More from author