DEGDEG: Madaxweynaha Jubbaland oo Muqdishu soo Gaaray.

Madaxweynaha Jubbaland oo Goordhaw soo gaaray Muqdishu.

Madaxweynaha Dowlad Goboleydka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa goordhaw  kasoo degay Garoonka Caalamiga ah ee Adan Cabdulle Cisamaan ee  magaalada Muqdisho .

Axmed Madoobe iyo wafdi balaaran oo uu hugaaminayo ayaa waxaa lagu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee Muqdishu.

Wafdiga uu hor kacayo Axmed Madoobe ayaa waxaa  Muqdishu si diiran ugu soo dhaweeyey xubno ay hor kacayaan madaxda xisbiyada mucaaradka .

Axmed Madoobe Madaxweynaha Maamulka Jubbaland waxaa maanta kasoo horeeyey ee Ciimao aad u hubeysan oo Axmed Madoobe sugi doona Amaan-kiisa inta uu ku sugan yahay Caaasimadda Dalka ee Muqdishu.

Qeybta VIP-da ayaa wafdiga Axmed Madoobe hugaaminayo ay u gudbeyn .

Madxweyne Axmed Madoobe aya la filayaa in uu goor dambe oo galabta ah la hadlo bahada Saxaafadda isagoo ka hadli doono dhanacyo badan oo siyaasadda dalka ah iyo u jeedka imaatanka Muqdishu.

BY : MOHAMED YAHYE JIINOW

You might also like More from author