11 Qof oo lagu dilay Roob mahiigaan oo ka da’ay Dalka Hindiya

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dhismayaal dumay Magaalada Ganacsiga Mumbai Ee Dalka Hindiya.

Roob mahiigaan ah oo ka da’ay Gobolka Mumbai ayaa waxa la sheegay in 11 Qof ay dhinteen kadib markii dhisme ay ku jireen ku dumay.

Dadka dhintay waxaa ku jira 8 carruur ah sida ay baahiyeen qaar ka mid ah Warbaahinta Dalka Hindiya.

Sargaal uhadlay Booliska Mumbai oo lagu magacaabo Ravindra Kadam ayaa khamiista maanta ah sheegay in ay jiri karaan khasaaraha inta la og yahay inay kasii kordhaan.

Tan iyo Arbacadii shalay ayuu Roob mahiigaan dabeylo watay waxa uu ka curtay Meelo kala duwan oo dalka Hindiya ah,iyadoo Mumbai oo ah Magaalada Ganacsiga Hindiya uu saameyn ku yeeshay Roobkaasi saacadihii lasoo dhaafay da’ay.

You might also like More from author