100; Dhallinyaro Kenyaan ah oo ku biiray Al-shabab

Dowladda Kenya ayaa sheegtay  in dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ay boqol dhallinyaro Kenyaan ah ka qorteen Gobolka Nyeri  ee dalka Kenya.

Guddoomiyaha Gobolkaas David Kipkemei, ayaa sheegay in Al-shabaab markii hore ay qorteen labo wiil oo dhallinyaro degaanka ah kaddibna tababareen kuwaas oo dib ugu laabtay Gobolka.

Waxaa uu intaas ku daray in labadii Nin ee ay Gobolka u direen AL-shabaab ay ku guuleysteen in ay qortaan 100 Dhallinyarada degaanka ah oo ku maqan AL-shabaab kuwaas oo tababar ugu jira Al-shabab.

Guddoomiyaha Waxaa uu intaas raaciyay in Raggaasi ay dhaq dhaqaaqooda la socdaan, sidoo kalena ay ogyihiin in dhallinyaro kale ay ka qorteen Gobollo kale oo ka mid ah Kenya.

Hay’adaha amniga Kenya ayuu sheegay in ay la socdaan dhaq dhaqaaqa raggaas,magacyadooda iyo waxa ay yihiinna la hayo islamarkaana lagu daba jiro.

Isha: hivisasa.com

You might also like More from author