Taliye Jen. Cali Xirsi Barre oo si lama filaan ah xilka looga qaaday & taliye kale oo lagu bedelay

Taliyihii ciidanka Nabadgelyada wadooyinka Jen. Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) oo ayaa xilkii laga qaaday isagoo ku guda jira howl maalmeedkiisa caadiga ah.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in xilka ka qaadista Jen. Cali Gaab uu ka dambeeyey taliyaha ciidanka Booliska Somalia Jen. C/xakiin Daahir Saciid (Saacid).

Lama oga sababta xilka looga qaaday, waxaase jira warar sheegaya in isaga iyo taliyaha Booliska ay soo kala dhex gashay xurguf aan la ogeyn waxa ay salka ku heyso.

Arinta ugu yaabka badan ayaa waxay tahay in Jen. Cali gab oo guda jira howl maalmeedkiisa caadiga ah telefoon loogu sheegay in xilka laga qaaday, waxaana Jeneraalka lagu yaqaan howlgarnimo iyo dedaal badan.

Taliyaha Ciidamada Ilaalada Waddooyinka ayaa waxaa mar kale dib loogu magacaabay G/sare Cali Maxamed Cali sida ay sheegayaan warar ku dhow dhow taliska booliska.

Jen. Cali Gaab ayaa iska calisay taliyaha ciidanka Booliska gobolka Banaadir ka hor inta aan mar kale loo magacaabin taliyaha taraafikada ee hadda laga xil wareejiyey.

Dowlada uu hogaamiye Madaxweyne Farmaajo ayaa mudadii ay xilka heysay waxay ku dhaqaaqday xilka ka qaadistii ugu badneyd, taasoo dadka qaarkood ay filayeen iney joogsan doonto muddo ka dib balse weli iska socota, waxaana todobaadkan oo kaliya xilka laga qaaday afar masuul.