Waa Kuma Madaxweynihii hore ee Mareykanka ee xafiiskiisa dhigtay kitaabka Quraanka

Nuqul Quraan oo naadir ah oo lagu turjumay luuqadda Ingiriiska oo uu lahaa madaxweynihii saddexaad ee Maraykanka Thomas Jefferson ayaa lagu soo bandhigayaa carwada Dubai Expo 2020.

Waa markii ugu horreysay ee nuqulkan la geeyo meel ka baxsan dalka Mareykanka tan iyo qarnigii siddeed iyo tobnaad.

Waxaa turjumay George Sale oo u dhashay Ingriiska kaas oo ku takhasusay barashada luuqadaha iyo dhaqannada kala duwan.

Nuqulka kitaabka Qur’aanka waxaa loo wareejiyay Dubai isagoo ku jira sanduuq alwaax ah oo ay ku xiran yihiin qalab lagu ilaalinayo, waxaana la socday shaqaalaha maktabadaha, iyo sugaya ammaankiisa. “sida lagu sheegay war -saxaafadeed laga soo saaray Expo 2020 Dubai.

You might also like More from author