Sahanka, Soomaali xasilan?.

Sahanka, Soomaali xasilan?.

Markii xanuun Rabbaani ahi ku soo rito, aysan kuu fayoobayn xubin jirkaada ka mid ah, xummad joogta ah, dhulyaal, tabaryari, muuqaal xumo IWM, ayay naftaadu la daris noqoneysaa. Uma baahnid, in xilligaa gacan kaliya ama madaxa laguu daweeyo, ee waxa aad u baahantahay caafimaad dhammaan luddaada iyo laftaadu ku bogsoodaan. Soomaaliya, marka aan xaaladdeeda u fiirsano waxa kaliya ee aan la meel dhigi karnaa waa qofkaas cudurka daashaday, waxaa ay na u baahantahay, daryeel bogsiino ee meel walba ah.
Aniga, oo ka shidaal qaadanaya tusaalaha aan u soo qaatay Soomaalida maanta iyo duruufaha ay la noolyihiin, ah na xog-ogaalka waaqaca taagan, waxaan maqaalkaan ku faaqidi doonaa hal arrin oo aasaas u ah, xal-u-helidda xaaladda taagan iyo horseedidda Soomaalida aan rabno inaan noqonno, oo dabciga inoo diiddanyahay, waana (FAHAMKA, MUHIIMADDA WADA NOOLAASHAHA).
Nabadda bulsho (social peace), waxaa la gu qeexaa “Waa hab dagganaasho, oo ay bulshadu ku sugnaadaan nolol ka maran, khilaafka gudahooda ah”. Mar kale ayaa la oran karaa “Nabaddu, ma ahan kaliya in khilaaf laga waabto, ee ka adkaanta ama takhalusidda wax kasta oo kala tag abuuri abuuri kara. {Heshiis bulsho(Social contract) ama Dasduur/Sharci (Constitution)} loo hoggaansamo, ayaana ah awoodda looga adkaan karo. Waxa aan ka wada dharagsannahay, khilaafka, xinka, xasadka, sad-bursiga, musuqa, iyo wax kasta oo ka la fogaansho ummadeed sameyn kara in maanta waddankeena ay xarago ka tahay, iyada oo siyaasigu hor boodo, shacabku na u sacab tumo.
Dhibaatooyinkaas aan kor ku soo xusay, waxa aan ku weynay midnimadii iyo wadajirkii aan ku qurxooneyn, ku hormarsanaa laheyn, kuna lahayn milgaha iyo maamuuska. Waa xaqiiq in aan maanta dhadhaminaya dhitadii iyo dhaxalki ka dhashay kala qoqobka iyo is dilka. Haddaba waa maxay midnimadaas naga maqan ? Maxaa ay ku timaaddaa, maxaa se lumiya ?
“Midnimadu, waa awood”. Waa qeexitaanka u gu yar, haddana ugu mugga iyo miisaanka badan.
Marka loo eego taariikh ahaan sida ay bulshooyinkii hore sida ay midnimadoodu ku abuurmi jirtay, waxaa jiray waxyaabo ay dabiici ahaan ka mideysnaayeen (Common things), laakiin badankood aysan sabab u aheyn, wadajirka kuwa is raba ee dunida xasilloon ku nool. Waxaa ka mid ahaa; Wadaag isir,  wadaag dhuleed iyoWadaag Afeed . Marka aad si rasmi ah u daristo waxyaabaha aan soo xusay inta asalka ah kaliya waxaa kuu soo baxaya waa ‘midnimo dhul, (Common land)’. Tusaale waddanka Hindiya oo aan ku noolahay waxaa looga hadlaa 2200 oo luuqadood waa inta diiwaan gashane, waxaana ka jirta 7 diimood oo waaweyn. Kala duwanaashaha ummadda reer Hindiya waxaa waxaa ay sababtay dagaal sokeeye, oo dhiig badan ku daatay intii u dhaxeysay 1850s-1970s. haddana maanta waxaa ay tusaale u yihiin, dunida aysan sinnaba u qeybi karin, wax ka baxsan jiritaanka waddankooda. Waxaa kaliya asal ka ah sababihii aan soo xusay, “Midnimada Dhul-weynaha Hindiya”.
Haddaba, maxaa sal u ah midnimo bulsho oo waarta ? Waxaa sal u ah midnimo bulsho oo tiirar adag ku taagan, kaliya in ay iyagu doortaan in ay wada jiraan, (people desires together). Iyaga oo ah qoomiyado kala diin ah, kala isir ah, kala midab ah, ayey dooranayaan in ay wada noolaadaan. Waa sababta maanta baahida tiray, kuwa aan u naqaanno reer Galbeedka.
Dadka sameystay deegaanka nabddoon maxaa ay uga tanaasuleen xasilloonidooda, maxaa ayse muhiimadda siiyeen ?

Guul kasta oo la gaaro, waxaa ka horreeyay baahi sababtay in lagu dhaqaaqo gaariddeeda. Ogow se haddii aysan garasho jirin, han ma yimaado, hankuna waa midka guulaha dhaliya. Waa xaqiiq in kuwa maanta hormarka loo tiiriyo, ay soo mareen duni waayo burbur iyo halaag ah sida taariikhda qorani ay na bareyso. Laakiin waxaa ay cashar ka barteen maalmihii nuxuuska ahaa ee soo maray, iyaga oo gartay halka ay dhibtu ka ga timid.
Si ay dhibtaas u dabar-jaraan, ayey  la yimaadeen aragti ka duwan tii qaribtay. Waxaa ay qol mugdi ah ku xireen, wax kasta oo ay ku kala duwanaayeen sida; diimaha, luuqadda, jinsiyadda, midabka IWM, waxaana ay xooga saareen wixii ay ka mideysnaayeen oo ah, qarannimo. Waxaa ay sameysteen sharci iyo dasduur ka la haga. Qabta kii xad-gudba,xaquuq na siiya kii dulman. Sarreynta sharciga ayaa ah, waxa quwadda guud ku leh dhexdooda. (No one above the Law).
“Dunida xasilloon, waxaa ay mudnaanta siiyeen, waxa guud ee mideeya (qarannimo), waxaana ay ka tanaasuleen waxa ay qolo gaar u leedahay ama u yahiin (Aaminaadda, dhaqanka, isirka IWM). Waana cashirka ugu mudan in aan maanta ka barano”.
Maxaa sabab u ah in bulshada Soomaaliyeed ay bur-bur iyo saboolka xal u gu heli waayeen?.
Sannaddii 1991-kii, waxaa ay bulshada Soomaaliyeed gashay, xaalad holac, gubasho iyo halaag ah. Waxaa ay aheed baal cusub oo furmay kaas oo sababay, dhiig badan oo daatay, faqri, saboolnimo, qax, iyo ka la fogaan bulsho. Waxaa ay noqotay dhibaato raagtay, oo aan wali la ga bogsan. Dhibaato kasta oo dhacda, waxaa ay leedahay sabab ka dambeysa oo riixeysa, waxaana jira dad si dhab ah loogu tiiriyo dhibta markaas taagan. Hadda ba waa maxay sababta cuuryaamisay qaranka Soomaaliyeed ?. Markii aad rog-rogto maankaada, dib na u milicsato wixii dhacay, indho soo jeedana ku eegto midda hadda taagan, waxaa kaliya kuu soo baxaya in mushkiladdaas ay aabbo iyo hooyo u yihiin saddex arrimood, oo aad isu gu dhow.
1- Soomaaliya, waxaa adduunku Jamhuuriyad madaxbannaan u aqoonsaday, 1960-kii. Waxaa xorriyaddaas ay ku timid, halgan aad u dheeraa, oo ka marnaa beeleysi, awood na ku lahaa, midnimo ummadeed oo la isaga dulqaaday, Saancaddaalihii reer Galbeed, oo muddo qarni ku dhow soo ku xukumayey, gayiga Soomaalidu dagto. Dowladdii rayidka aheed ee xilligaa talada dalka la gu wareejiyey, waxaa  xukunka la gu qeybsaday hab beeleed aan la qorin, laakiin wax muuqday oo aan la inkiri karin ahaa. Inkastoo ay dhaliilo badan laheed, la na yiraa waxbadan oo maanta saameyn xoog leh Soomaalida ku dhex leh ayaa ku ku hallaabay hab-qeybsigaas, la na sheego in ay musuqmaasuq baahsan ka dhex jiray, hadda na waxaa la gu tiriyaa xukun dimuquraaddi ahaa oo awoodda ay bulshadu laheed, ma na jirin xad-gudub bareer oo aad dad gaar ah lagu sameeyay ama lagu beegsanayey.
Xukunkii rayidka ahaa, waxaa awoodda ka marooqsaday Millatari hubeysan, 1969-kii. Waxaa la gu tilmaamaa in tallaabadaas ay ciidanku xukunka ku qabsadeen ay aheed, musiibo iyo maalin madow oo dhashay eelka la ga kabsan oo waayay. Waxaa uu taliskaasu ahaa, kii u gu awoodda badnaa ee abid soo mara Soomaaliya. Awooddii hoggaamineed ee waddanka, waxaa ay gashay, gacan shaqsiyaad gaar ah, waxaa ay bulshadii kale ka xigsadeen hoggaankii iyo xaquuqdii siyaasiga aheed.
Ku tagri-fal awoodeed, sad-bursi dhaqaale iyo xukun, kala sarreysiin bulsho, awood dhaqaale iyo mid hoggaamineed oo dad gaar ahi xaq u yeesheen, ganacsigii oo shaqsiyaad loo gacan galiyey, cabburin iyo xad-gudubyo dhiig badani ku daatay ayuu ku kacay, xukunkaas. “Waa sababta aan maanta jiilkeennu xukunkaas uga dhaxalnay, ammaanti, heesihii iyo dhoolatusyadii bulshada la gu indha-sarcaadinayey ama la gu cabsi galinayey”.
Dadkii Soomaalida oo qabiillada is ku biiraye jamhuuriyadda sameystay ahaa, waxaa ay ka niyad jabeen Dowladnimadii. Waxaana gabi ahaan ba suulay kalsoonidii la gu qabay, qof aan xigto aheyn oo hoggaan qabta waayo, haddii uu qabto kaas ka reerka ah, waxaa cabsi la ga qabaa, wixii horay loo falay in uu sameeyo.
“Haddii hoggaankii na soo maray ay caddaalad fali lahaayeen, ma dhimateen kalsoonida bulsho oo ah, in aan loo eegin hoggaanka qolo ama heyb, oo loo eego, shaqsiyad iyo aragti hoggaamineed”. “ Waxaa kaliya in la is ku tanaasulo la gu heli karo na, waa in la ga filanayo kan loo tanaasulay, in uu caddaalad falayo” .
2- Bulsho kasta, oo hormar iyo nolol tirsaneysa, ama loo tiiriyo, waxaa dhisay, bulsho dhisan. Soomaaliya, waxaa ay nasiib u yeelatay, in aysan waligeed helin dhisme bulsho, kaas oo ka badbaadin lahaa, in ay noqdaan kuwa maanta dunida ugu saboolsan, musuqa, iyo xasaradda badan. Aqoonyahanka fara-ku-tiriska ah ee bulshadeenna, waxaa uu sidoo kale noqdaa laba qeybood. Mid markii uu waxbarto dunidaas la xirta kana dhex baxa bulshadii laga rabay in uu dhismaheeda ka qeyb-qaato, iyo mid ay qabbiratay caadadii qabiiliga aheed, ee bulshadeenna dilootay, kaas oo markii uu wax soo bartay, shahaadooyin cilmi oo sare na qaatay, ay ka xoog badisay, xigtanimadii oo wali bodwka tolkiisa aan ka soo dhex bixin. Marka sidaas waxaa loo waayey, doorkii bulshadu ku laheed dhismaha dalkeeda.
3- Geeska Afrika, oo baylah Dowlad la’aani ku dhacday, waxaa ay hoy u noqotay, afkaaro diimeysan oo aan xisaab laheyn,midina midda kale colaadiso.  Afkaarahaas soo dhoofiska ah, ee dhaqaalaha looga soo qaato meeshii ay ka soo askumeen, gadaalna ay ka riixeyso daha gaarka ah waxaa ay noqdeen awoodo xoogeystay maaddaaba ay qabsadeen, goobihii dhallinyarada la ga soo saari jiray, sida dugsiyadii qur’aanka, iskoolaadkii iyo Jaamacaddihii. Magac diimeedyada tirada badan, ee laga maqlo gayiga ay Soomaalidu dagto, waxaa uu noqday fidnada u gu weyn ee waayihii dambe holaca iyo balaayada ka dhigay, bulshada dhexdeeda.
Saddexdaas waxyaabood oo aan kor ku soo xusay, waxaa ay u waaweynyihiin qalalaasaha loo maarawaayey, ee dalkeena ragaadiyey. Ma ahan saddexda qodob oo qura ee maanta na dhibaateynaya, ee qodobbo saameyn weyn leh oo aan u arkay, in si qoto-dheer loo fahmo falkooda, markii la gartana loo diyaar garoobo, xal-u-heliddooda.
Maxaan ka baran karnaa waxyaabaha aan qormada ku soo xusay?
Waxaa xaqiiq ah, in maanta qofka nool, aan fac siman ka wada tirsanno Aadam (CS). Kala tagga lagu kala tagay isirka ayaa deegaanka loogu kala tagay. Waa xaqiiq in sida dunida maanta loo kala nolol qurxoonyahay, oo dad ay gaajo u dhintaan dad na aysan Malaariyo ku dhicin, waayihii dunidu soo jirtay, loo kala hormarsanaa.
Caqliyadda, Cilmiga, waayo-aragnimada iyo garashada is biirsaday,ayaa markasta lagu kala hormarsanaa. Qarniga 21-aad ee maanta ku jirno, waxaa ay bulshada geeska Afrika dagtaahi la noolyihiin qorshe la’aan, halka dunida qaarkeed ay 500 oo sano saadaalineyso, waxa uu qarankeedu ahaan karo, una diyaar garoobayaan, qurxinta jaalka xilligaa ku noolaa doona waddankooda.
Ma ahan, inaan maanta ku qanacno nolosha aan ku jirno oo liidnaanta, ee waxa aan u baahannahay aragti midnimo horseedi karta. Waxaa muhiim ah inaan garano, waxyaabaha ka la qeybsanaanteenna sababay si aanan mar dambe ugu kadsoomin. Waxaan u baahannahay, dad billaaba, in ay caddaalad falaan iyo kuwa u tanaasula kuwa sinnaanta ballan-qaaday. Haddii la helo umad ay qarannimadu ka la sarreyso midda qaaska ah (Qoyska, caqiidada IWM), waxaan u guureynaa dunida xasilloon.
“Waxaan ku noqo karnaa Soomaalida aan qalbiyada ku heyno, markaan fahanno muhiimadda ay leedahay in aan sinnaan ku wada noolaano, oo aanan is ku eegin heyb iyo aaminaad caqiiddo toona, una wada istaagno quweyn qaran, iyo qiimeyn dadnimo”.

Waxaan qormadeyda ku soo gunaadanayaa, gabay aad u qiima badan, oo uu sinnaanta, caddaaladda iyo sarreynta sharciga uu ka tiriyey, Abwaan suugaan dhaadhi ah; Abdiraxiim Hilowle Galayr.

• Dad sinnaan ku noolbaa midnimo, Gaadha sahankeede
• Sharcigoo sarreeya dad iyo, Dowlad saacida e
• Socdaal guule waa kii ku fura, Saac barwaaqo lehe
• Soomaaliyana waxay goobeysa, Saymo roob helaye
• Saboolnimo la tuuriyo colaad, Sulufkan beelaysan
• Sedka dunida kale gaadhaybaan, Sahamineysaaye
• Inagoo saf qudha wada galna, Seebin baddaheene
• Inagoo siraac beeranaa, Saari gaajada e
• Inagoo sibraar dhaansanaa, Soofsan  xoolaha e
• Inagoo samaan wada falnaan, Gaadhi samadaase
• Isa saxa sirgacu wuu dhammaan, Soohdimaha yaale.
W/Q: Xasan Yuusuf(Leego)

You might also like More from author